Puntland: Wasiir iska casilay Xukuumada Deni.

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasiir xigeenki wasaarada Cadaalada Puntland, Dr Maxamed Cali Faarax ayaa iska casilay xilkaasi.

Qoraal uu ku socod-siiyay madaxweynaha ay xilhantiisa Dastuuriga ka hartay 80 cisho wax ka yar ayaa ku cadeeyay in uu xilkaasi iska casilay.

Dr Maxamed Cali Faarax ayaa kamid ah siyaasiyiinta qunyar socodka ah isagoo sidoo kale xubin ka ahaa inta badan xukuumadii madaxweyne, Dr Gaas.

Bilooyin ka hor ayay ahayd markii ay soo baxday in madaxweyne Deni uu qorshaynayo in uu Dr Maxamed ka dhigo Xoghayaha guud ee ururkiisa KAAH balse haatan tilaabada ayaa u muuqata mid ku culus dhanka Deni.

Sidoo kale waxa uu iska casilay xubinnimada ururka KAAH iyada oo ay kusoo aadayso is-casilaada xilli madaxweynaha sii tagaya looga digay isku dayga muddo kororsiga sharci daradda ah.

Dhawaan siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland ayaa shirkooda Garowe kusoo dhamaaday ugu baaqay masuuliyiinta Puntland in ay madaxweyne Deni aysan ku eegan Puntland sida ay u dhigeen isla markaana ay xalka qeyb ka noqdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM