Puntland: Wasiir iska casilay Xukuumada Deni.

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasiir xigeenki wasaarada Cadaalada Puntland, Dr Maxamed Cali Faarax ayaa iska casilay xilkaasi.

Qoraal uu ku socod-siiyay madaxweynaha ay xilhantiisa Dastuuriga ka hartay 80 cisho wax ka yar ayaa ku cadeeyay in uu xilkaasi iska casilay.

Dr Maxamed Cali Faarax ayaa kamid ah siyaasiyiinta qunyar socodka ah isagoo sidoo kale xubin ka ahaa inta badan xukuumadii madaxweyne, Dr Gaas.

Bilooyin ka hor ayay ahayd markii ay soo baxday in madaxweyne Deni uu qorshaynayo in uu Dr Maxamed ka dhigo Xoghayaha guud ee ururkiisa KAAH balse haatan tilaabada ayaa u muuqata mid ku culus dhanka Deni.

Sidoo kale waxa uu iska casilay xubinnimada ururka KAAH iyada oo ay kusoo aadayso is-casilaada xilli madaxweynaha sii tagaya looga digay isku dayga muddo kororsiga sharci daradda ah.

Dhawaan siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland ayaa shirkooda Garowe kusoo dhamaaday ugu baaqay masuuliyiinta Puntland in ay madaxweyne Deni aysan ku eegan Puntland sida ay u dhigeen isla markaana ay xalka qeyb ka noqdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM