Puntland: Wasiir la huwiyay weerar loo adeegsadey dhegxaan oo hadlay

Image
Falkan hadalheynta badan dhaliyay ayaa ka dhacay Dagmada Xarfo ee gobalka Mudug.

GAROWE, Puntland - Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Puntland, Mohammed Mosadak Saadeq oo ku sugnaa Dagmada Xarfo ee gobalka Mudug, ayaa dhaawac halkaasi lagu gaystay.

Qof goobjooge ah oo la hadlay Garowe Online ayaa waxa uu sheegay in ilkaha uu dhaawac ka gaaray wasiirka, kadibna dhawciisa loo qaaday Hospital Degmada Burtline ee gobalka Nugaal.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo laamaha ammaanka ay kasoo saareen dhacdadan oo saacadihii lasoo dhaafay hadal-heyn badan ka dhalisay baraha bulshadda.

Sdoo kale, ma cadda cidda ka dambeysay falkan iyo haddii hay'adaha amniga ay aqoonsadeen qofkii geystay si ay gacanta ugu soo dhigaan eedeysanaha.

Dhanka kale, wasiir Saadaq oo qoraal soo saarey ayaa waxa uu sheegay in arrinkaas la buun-buuniyay isaga oo falka lagula kacay u saariyay "caruur dhagax isku tuuraysay".

"Waan Caafimaad qabaa , wax dhaawac ah oo isoo gaaray ma jiro oo aan ahayn caruur dhagax isku tuuraysay ayaa nasoo gaaray waana laqabtay dhalintii, wax jir dil ladhaho oo soo gaaray tiimkayga iyo anigaba majiraan, hawshii aan wadnay oo ahayd furitaanka Kalafadhiga Golaha Deegaanka  Xarfo iyo kor u qaadista aqoonayd ee xubnaha way socon sidii oo ahaa qorshaha Wasaarada," ayuu tibaaxay.

Saadaq oo xaaladiisu ay wacan tahay haatan ayaa degmada Xarfo waxa uu ka furi lahaa kal-fadhiga golaha deeganka Dagmadaasi oo maalinka lagu waddo inuu bilowdo Sabtida maanta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM