Puntland: Wasiir la huwiyay weerar loo adeegsadey dhegxaan oo hadlay

Image
Falkan hadalheynta badan dhaliyay ayaa ka dhacay Dagmada Xarfo ee gobalka Mudug.

GAROWE, Puntland - Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Puntland, Mohammed Mosadak Saadeq oo ku sugnaa Dagmada Xarfo ee gobalka Mudug, ayaa dhaawac halkaasi lagu gaystay.

Qof goobjooge ah oo la hadlay Garowe Online ayaa waxa uu sheegay in ilkaha uu dhaawac ka gaaray wasiirka, kadibna dhawciisa loo qaaday Hospital Degmada Burtline ee gobalka Nugaal.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo laamaha ammaanka ay kasoo saareen dhacdadan oo saacadihii lasoo dhaafay hadal-heyn badan ka dhalisay baraha bulshadda.

Sdoo kale, ma cadda cidda ka dambeysay falkan iyo haddii hay'adaha amniga ay aqoonsadeen qofkii geystay si ay gacanta ugu soo dhigaan eedeysanaha.

Dhanka kale, wasiir Saadaq oo qoraal soo saarey ayaa waxa uu sheegay in arrinkaas la buun-buuniyay isaga oo falka lagula kacay u saariyay "caruur dhagax isku tuuraysay".

"Waan Caafimaad qabaa , wax dhaawac ah oo isoo gaaray ma jiro oo aan ahayn caruur dhagax isku tuuraysay ayaa nasoo gaaray waana laqabtay dhalintii, wax jir dil ladhaho oo soo gaaray tiimkayga iyo anigaba majiraan, hawshii aan wadnay oo ahayd furitaanka Kalafadhiga Golaha Deegaanka  Xarfo iyo kor u qaadista aqoonayd ee xubnaha way socon sidii oo ahaa qorshaha Wasaarada," ayuu tibaaxay.

Saadaq oo xaaladiisu ay wacan tahay haatan ayaa degmada Xarfo waxa uu ka furi lahaa kal-fadhiga golaha deeganka Dagmadaasi oo maalinka lagu waddo inuu bilowdo Sabtida maanta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM