​Puntland: Wasiirka Caafimaadka" in kabadan 10 kun ayaan daweynay todobaadkii hore" [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland, ayaa maanta warbaahinta uga waramay waxqabad ay sameeyeen kooxo caafimaad oo kasoo howlgalay qaar kamid ah gobollada Puntland todobaadkii hore, kuwaasoo soo fuliyay adeegyo caafimaad.

Cabdinaasir Cismaan Cuuke, oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay in gobollada Bari, Karkaar iyo Nugaal u direen kooxo caafimaad oo loo qorsheeyay inay baaritaano iyo daweyn usoo sameeyaan dadka abaaruhu saameeyeen, kuwaaso qaybtood lasoo daristay xaalad caafimad darro.

Wasiirka ayaa xusay in adeegaasi la gaarsiiyay todobaadkii hore oo kaliya in kabadan 10-kun oo ruux, halka dad horay loo daweeyay ay kor u dhaafayaan 30 kun sida uu xaqiijiyay wasiir Cuuke.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu dadweynaha ugu baaqay inay lagawada qayb qaato sidii loogu gurman lahaa dadka abaaruhu saameeyeen ee isaga kala yimid gobollada Somalia, kuwaasoo u naq-raacay gobollada Bari iyo Karkaar oo roobab ka da'een dabayaaqadii sannadkii hore.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyay hishiis ay wada gaareen dowladda Puntland iyo MSF, wuxuuna sheegay inay dib uga howlgali doonto gobolka Mudug kadib wada hadal soo bilowday 2015.

Cabdinaasir Cuuke, ayaa xusay in shaqada ay ka qaban doonto gobolka Mudug tijaabo u yahay inay guud ahaan hay'addu ka howlgasho Somalia, wuxuuna codsaday inaan hormuud loo noqon sidii ay Somalia u heli lahayd adeegyo caafimaad oo lala shaqeeyo MSF muddo Saddex sano ah oo mashruucan socon doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM