​Puntland: Wasiirka Cadaaladda oo iclaamiyay Ciid [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland, Saalax Xaabiib Jaamac oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa  iclaamiyay in barri tahay Ciid.

Wasiir Saalax ayaa sheegay in bisha Soon-fur laga arkay meelo badan oo kamid ah dalka Somalia, sidaas awgeed dadka ugu baaqayaan inay u diyaargaroobaan munaasabadda Ciida.

Meelaha laga arkay waxaa kamid ah degmada Qardho ee gobolka Karkaar.

Waqtiga shaaacinta ayaa kusoo beegantay xilli masaajidda Garowe badankooda laga tukaday Taraawiix.

Dhinaca kale wasiirka ayaa xusay in wasaaradda Cadaaladda dowladda Federaalka Somalia, qoraal ay usoo gudbisay Puntland ku sheegtay in bisha laga arkay meelo badan oo kamid ah dalka Somalia gaar ahaa, Balcad iyo Ruun-nirgood.

Maalinta barri ah waxaa sidoo kale ciida looga dabaal dagayaa waddamo badan oo ku yaalla Aasia, America, Yurub iyo Australia sida ay sheegayaan wararka soo gaaraya Garowe Online.

FG:- Dhammaan Maamulka, Tifaftirayaasha iyo shaqaalaha Webka Garowe Online ayaa muslimiinta meel kastoo ay dunida ka joogaan ugu hambalyaynaya ciidul-fidriga.

Kullu Caam wa Antum Bi-Khayr 

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM