​Puntland: Wasiirka Cadaaladda oo iclaamiyay Ciid [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland, Saalax Xaabiib Jaamac oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa  iclaamiyay in barri tahay Ciid.

Wasiir Saalax ayaa sheegay in bisha Soon-fur laga arkay meelo badan oo kamid ah dalka Somalia, sidaas awgeed dadka ugu baaqayaan inay u diyaargaroobaan munaasabadda Ciida.

Meelaha laga arkay waxaa kamid ah degmada Qardho ee gobolka Karkaar.

Waqtiga shaaacinta ayaa kusoo beegantay xilli masaajidda Garowe badankooda laga tukaday Taraawiix.

Dhinaca kale wasiirka ayaa xusay in wasaaradda Cadaaladda dowladda Federaalka Somalia, qoraal ay usoo gudbisay Puntland ku sheegtay in bisha laga arkay meelo badan oo kamid ah dalka Somalia gaar ahaa, Balcad iyo Ruun-nirgood.

Maalinta barri ah waxaa sidoo kale ciida looga dabaal dagayaa waddamo badan oo ku yaalla Aasia, America, Yurub iyo Australia sida ay sheegayaan wararka soo gaaraya Garowe Online.

FG:- Dhammaan Maamulka, Tifaftirayaasha iyo shaqaalaha Webka Garowe Online ayaa muslimiinta meel kastoo ay dunida ka joogaan ugu hambalyaynaya ciidul-fidriga.

Kullu Caam wa Antum Bi-Khayr 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM