​Puntland: Wasiirro ku wajahan deegaanka Af-urur

Image

GAROWE, Puntland- Wafdi wasiirro kamid ah Guddi dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta u amba baxay jiidaha hore ee ay ku suganyihiin ciidanka difaacay gaar ahaan goobtii mashaqadu ka dhacday ee tuulada Af-urur.

Wafdiga waxaa kamid ah wasiirka Amniga, Xannaanada Xoolaha, Caafimaadka, Beeraha iyo taliyaha ciidamada qalabka sida ee Puntland, waxaana socdaalkoodu ku saabsanyahay qiimayn ay ku samayn doonaan xaaladda deegaankaa iyo sida ay wax u dhaceen.

Mas’uuliyiintan ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Carmo ee gobolka Bari iyagoo booqanaya dhaawacyada halkaas yaalla.

Booqashada kadib ayaa la filayaa in wafdigan aadaan fariisimada ciidamadu leeyihiin buuraha Gal-gala si ay dhiirigalin ugu sameeyaan ciidanka difaaca.

Wararka madaxa bannaan ee uu helayo GO, ayaa sheegay in socdaalkan sidoo kale ku larantahay qiimayn lagu samayn doono xaaladda ammaan ee deegaanada dhaca buuraha Gal-gala xilli dowladdu damacsantahay inay qaado howlgallo lagu sifaynayo kooxda Al Shabaab.

07 bishan ayaa mallayshiyaad katisan Shabaab, waxay weerar xooggan ku qaadeen tuulada Af-urur xilli khasaaro xooggan uu ka dhashay dagaal halkaas ka dhacay oo ilaa hadda dowladdu shaacin.

Balse goor sii horaysay Taliyaha ciidanka difaaca Puntland Siciid Dheere ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay dileen 25 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Shabaab.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya inay is-horfadhiyaan ciidanka Puntland iyo mallayshiyaadka kooxda Al Shabaab, iyadoo laga cabsi qabo dagaal ka qarxa Gal-gala.

Buurahan oo kaabiga ku haya xarunta ganacsiga Puntland, waxaa muddo ku dhuumaalaysanayay Al Shabaab iyo Daacish kuwaasoo weeraro gaad ah waqtiyadii dambe ku qaadayay fariisimada ciidamada Puntland, halka Qaraxyo ku aasaan jidadka ciidamadu is-ticmaalaan.

Xukuumadda Madaxweyne Gaas, ayaa lagu dhaliilaa inaysan aad u dar-dar galin howgalka kooxdaas ee buuraha Gal-gala taasoo sabab looga dhigayo weerarkii Shabaab guusha ka sheegatay ee ka dhacay Af-urur oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ka dhacay Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM