​Puntland: Wufuud ku wajahan Magalada Bosaso

Image

BOSASO- Waxaa maanta lagu wadaa in magalada Bosaso xarunta gobolka Bari tagaan wufuud kasocota dalka Talyaaniga iyo urur goboleedka IGAD, kuwaasi oo iska kaashanay dhismaha wajiga labaad ee garoonka diyaaraha magalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Wufuudan, ayaa qayb ka noqonaya dhagax dhiga qaybta harsan madaarka kaasoo la filayo in maalmaha soo socda dhagax dhigo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Gaas ayaa shalay soo gaaray Bosaso, waxaana ujeedka imaanshihiisa lagu sheegay arrinta garoonka iyo wada-xaajood waxgaradka gobolka Bari uu la yeelanayo.

Deeqda lagu dhisayo garoonka ayaa waxaa keenay dowladda Talyaaniga oo taageero ka helay Sanduuqa loo yaqaano Global Fun, waxaana gacan ka gaysanaysa ururka IGAD oo damaanad qaaday xilligii garoonka wajigiisa koowaad la furayay inay keenayaan.

Ammaanka magalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana soo gaaray mas'uuliyiin badan oo doonaya inay qayb ka ahaan munaasabadda lagu dhagax dhigayo madaarkaa xarunta ganacsiga Puntland, waxaana sidoo kale la filayaa in caawa la qabto munaasabad mas'uuliyiinta imaanaysa lagu soo dhaweynayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM