Puntland: Xaalada maxaabiista gobolka Nugaal oo loo kuur-galay

Image
Guddigu waxay ku booriyeen Booliska inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan sugidda Amniga.

GAROWE, Puntland - Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray kormeerka iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Saldhiga Bari ee caasimadda Puntland ee Garoowe.

Xildhibaan ayaa warbixin ka dhageystey mas'uuliyiin saldhiga, iyagoo la wadaagey xaaladda Ciidanka, maxaabiista iyo doorka Booliska suggidda Amniga magaaladda iyo caqabaha jira.

Sidoo kale, xildhibaannada ayaa warastey maxaabiista ku xirnan saldhigyada si u la socdaan xaaladooda.

Guddigu waxay ku booriyeen Booliska inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan sugidda Amniga iyo bixinta adeegyada Booliska ee bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM