Puntland: Xafiiska difacaha oo eedayn jeediyay

Image

GAROWE- Waraaq kasoo baxday xafiiska xuquuqul aadanaha Puntland ayaa eedayn loogu soo jeediyay laamaha amniga Puntland, kuwaasi oo lagu dhaliilay qaabka ay u fulinyaan baaritaanada ka dhanka ah argagixisada ee labadii todobaad ee ugu damebeeyay ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Qoraalka oo warbaahinta loo gudbiyay, waxaa ku saxiixan gudoomiyaha xafiiskaasi Maxamed Yusuf Cali, wuxuuna cambaarayn u soo jeediyay tacadiyo kala duwan oo uu sheegay in loo gaysto dadka lasoo qabanayo iyo kuwo muddo dheer maxkamad la'aan ku xiran xabsiyada Puntland, wuxuna sheegay in labadii asbuuc ugu dambeeyay lasoo xiray in kabadan 380 ruux.

Wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay guryaha amar la'aanta ciidamda amnigu galaan xilliyo aan munaasab ahay, isagoo codsaday in xukuumaddu tixgaliso xuquuqda dastuuriga iyo xeerka u yaalla dalka.

Dhinac kale wuxuu dalbaday xafiisku in lasoo qabto lana cadeeyo sifadii dhawaan lagu dilay labo ruux oo shacab ahaa kuwaasi oo todobaadkii hore maydkooda laga helay magalada Galkacyo, wuxuuna si gaar ah xafiisku farta ugu fiiqay xukuumadda iyo laamaha amniga.

Xafiiska xuquuqul aadanaha Puntland ayaa sidoo kale, wuxuu sheegay inuu si gaar ah ugu qareemayo haweenka iyo carruurta tacadiga loo gaysto, isagoo codsaday in si dhakhso ah arrintooda loo dhammeeyo haweenka carruurtoodii laga soo waday.

Arrintan, ayaa kusoo aaday xilli magaalooyinka waaweyn ee Puntland kasocdaan dadaalo lagu adkaynayo aammanka, waxaana ciidamada amnigu gacanta kusoo dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin kooxda Shabaab.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KASOO BAXAY XAFIISKA XUQUUQUL AADANAHA PUNTLAND


GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM