Puntland: Xanuun dadka qaba kordhayaan balse lagu baraarugin

Image
Image
Xarun istaagtey in ay la tacaasho dadka la nool dabeecadahan ayaa haatan dalbanaysa taageero.

GAROWE, Puntland - Shaadiya Cabdiqaadir Cabdi ayaa shahaadada Bachelor of Psychology waxa ay ka qaadatay Jaamacadda lagu magacaabo Rennes 2 oo ku taalla waddanka dhaca qaaradda Yurub ee Faransiiska.

Iyada iyo xubnaha qoyskeeda oo uu kamid yahay walaalkeeda la nool dabeecada Autism-ka waxaa ay Soomaaliya u yimaadeen fasax 2019. Kadib waxa ay booqatay deegaano Puntland kamid ah oo ay ku jirto Burtinle.

Burtinle ayay kula kulantay sheeko xanuun badan kadib markii ay tagtay guriga qof kamid ah qaraabadeeda oo halkaasi oo laba wiil oo 3 iyo 4 jir ah oo la nool xanuunka Attention Deficit Hyperactivity Disorder.

Labada bukaan ayaa la iskula xiray hal daaqad iyada oo mid walba silsilad iyo quful lagu dhajiyay. "Kadib markan arkay, waxaan ka ooyay qalbiga, waxaana codsadey in laga furo," ayay u sheegay Garowe Online.

Dhacdadaas ayaa ku qasabtey in December, 2019 ay Garowe ka bilowdo in ay caawiso ilmaha la nool dabeecadaha Autism-ka. Bukaankeeda ugu horeeyay wuxuu ahaa hal cunug oo ay ugu tagi jirtay gurigooda.

Haatan, xarunta Autism Somalia Center ee Garowe oo ay furtey waxaa ay caawisaa 30 caruur ah kuwaasoo subaxda hore (06:00 AM) guryahooda uu kasoo qaado gaariga xarunta waxaana la celiyaa duhurkiisa (01:00 PM).

"Caqabada ugu weyn ee hadda aan wajahayno waa in aysan dadka wali ku baraarugin," ayay raacisay: "Sidoo kale, waxaan baahi u qabnaa in aan helno degaan waasac ah, dowladda ayaana garab waydiisanaynaa".

Xarunta Autism Somalia Center ee Garowe oo lagu dhisay kuna shaqeysa qaab is-xilqaan ayaa latacaalaysa xanuun aysan wali bulshadda si fiican ugu baraarugin sababo ku aadan wacyi-gelin la'aan balse hadda u baahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM