Puntland: Xarun hooyada iyo dhalaanka ah oo la hirgaliyay

Image
Image
Image
Image
Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa xariga ka jaray xaruntan laga dhisay degaanka Cambare ee gobolka Nugaal.

GAROWE, Puntland - Wasiirka wasaaradda caafimaaka dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa jimcihii shalay xariga ka jaray xarun caafimaad oo hooyada iyo dhalaanka ah (MCH) oo laga hirgaliyay deegaanka Cambara ee gobolka Nugaal, xaruntaan oo ka kooban saddex qol ayaa bulshada deegaanka si isku tashi ah u dhisteen wasaaradduna ka caawisay qalabka iyo dawooyinka.

Wasiirka waxaa safarka ku weheliyay qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda waxaana bulshadu deegaanka ugu sameeyeen soo dhawayn ugana mahadceliyeen hirgalinta iyo in deegaanku xaruntaan caafimaad yeeshaan.

Mohamed Cali Warsame oo kamid ah dhalinyarada ka qayb qaadatay dhismaha xaruntaan oo ka hadlay ayaa yiri:-

"Mudane wasiir waxaan ku faraxsanahay in wasaaraddu maanta nagala soo qaybgasho furitaanka xaruntaan caafimaad ee hooyada iyo dhalaanka Cambara oo aan si isku tashi ugu dhisnay wasaaradduna naga qayb qaadatay qalabaynta iyo dawooyinka xaruntaan, hirgalinta xaruntaan ayaa sababtay kadib markaan aragnay in deegaanku baahi uqabay xarun caafimaad ayaa u istaagnay waxaan ku faraxsanahay maanta in aan furitaankeedi ujoogno," ayuu yiri.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo gabagabadii hadlaya ayaa yiri: "Waxaan ku faraxsanahay in deegaankaan markii ugu horaysay aan ka daahfurayno xarun caafimaad waxaana ku amaanayaa dadka deegaanka hirgalinta xaruntaan sida isku tashi ah ay u dhisteen taasoo sida odayaashu sheegeen mudo 4 bilood ah lagu dhisay, arintaasi waxay muujinaysaa dadku haday iskutagaan inay wax weyn qabsan karaan, xaruntaan iyo kuwa lamid ah waxay qayb ka tahay dadaalka wasaaradda iyo bulshada deegaanka oo iskaashanaya ku samaynayaan xarumo caafimaad oo adeeg siinaya bulshada".

"Waxaan wasaaradda caafimaadku balan qaadaysaa inay dhamaystiri doonto xaruntaana noqon doono mid bulshada deegaanku ka helaan dhamaan adeegyada looga baahanyahay, bulshada deegaankana waxaan kula dardaarmayaa inay ilaashadaan xaruntaan una soo doontaan adeega caafimaad, ugu danbeyn waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa in xaruntaan kamid noqotay xarumaha caafimaadka ee Wasaaaradda caafimaadka, dhalinyarada dhismaha ka soo shaqaysay hirgalinteeda waxaan ka codsanayaa inaysan ka harin oo ay sii wadaan gacan ku haynteeda".

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM