Puntland: Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha oo la ansixiyey

Image
Image
Image
Xildhibaannada ayaa qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey xeerka si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Puntland.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Cabdirashid Yusuf Jibril, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad  ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada.

Jibriil ayaa waxaa wehliyey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha DPL oo Goluhu ka doodeyey maalintii 2aad, kadibna markii Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha ,Diinta iyo Dastuurku oo wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyey xeerkan.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya ciqaabta iyo ganaaxyadda ay muddan karaan haddii lagu qabto shaqaalaha Dawladda, mas’uuliyiinta Dawladda ee Xasaanadda leh iyo kuwa aan laheyn, Ciidamada Nabad-gelyada, Guryaha lagu iibiyo laguna kariyo maandooriyaha, hubka lagu soo qabto hawl-gallada la dagaalanka maandooriyaha, lacagaha lagu soo qabto.

Intaa kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, wuxuu maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-bedelka Xeerka  La dagaalka Maandooriyaha Puntland , waxaa Oggol ugu codeeyay 35, Diidmo 2 Mudane, haka aysan jirin cid ka aamustay.

"Waxaa reebban sameynta, keenidda, beerista, gacan-siinta, isticmaalka iyo ka ganacsiga dhammaan noocyada Maandooriyaha sida uu qabo Xeerka," ayuu goluhu kusoo xiray war-saxaafadeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM