Puntland: Xildhibaan Bootaan oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Qarax

Image

GAROWE, Puntland- Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootaan oo kamid ahaa Barlamanka Puntland, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kadib dhawac  kasoo gaaray qarax 08 Bishan lagula eegtay magaalada Galkacyo.

Bootaan ayaa xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Kenya, halkaasoo lagula tacaalayay dhaawac xalis ah oo kasoo weerarkaas.

Dhaawac halis ah ayaa kasoo gaaray mudanaha geeriyooday weerarkaas taasoo keentay inay go’aan qaar kamid ah laxaad-kiisa.

Qaar kamid ah ehelkiisa ayaa xaqiijiyay inuu Xildhibaanku ku geeriyooda magaalada Nairobi.

Mudanayaal katirsan Barlamanka Puntland ayaa ka tacsiiyay geerida ku timid mudanahan oo sidoo kale kamid ahaa guddiga nabad-galyada gobolka Mudug.

Maaha markii ugu horaysay mas’uul katirsan dowladda Puntland u dhintay weerar lagu qaaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM