​Puntland: Xildhibaan kusoo baxay kursiga 22aad doorashada Aqalka hoose

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Faysal Cabdulle Guuleed ayaa kusoo baxay Kursiga beesha Reer Biciidyahan ee Barlamanka Federaalka Somalia, kadib markii uu helay codad gaaraya 26 cod, isagoo ka adkaaday ninka sida aadka ah ula loolamay ee Siciid Cali Maxamed oo helay 21 cod.

Xubin kamid ah Guddiga doorashooyinka Dadban ee Somalia oo lagu magacaabo Siciid Qorsheel ayaa ku dhawaaqay Natiijada, wuxuuna sheegay in maanta doorashadii la qabtay si wanaagsan u dhacday.

Xildhibaanka guulaystay, ayaa mar uu ka hadlay dareenkiisa, wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay kusoo bixitaanka Kursigan, isagoo sheegay inuu oofin doono dhammaan ballanqaadyadii uu sameeyay doorashada ka hor.

Siciid-ka laga guulaystay, ayaa isna aqbalay natiijada doorashada, wuxuuna ugu baaqay mudanaha la doortay inuu ka shaqeeyo midnimada beesha iyo hormarka dalka Somalia.

Doorashadii Maanta waxaa soo baxay saddex mudane oo lagu kala magcaabo;

Faysal Cabdulle Guuleed

Cabdi Maxamuud Maxamed

Iyo Daa'uud Maxamed Cumar.

Puntland, ayaa iminka lagu doortay 22 mudane, waxaana harsan 15 Xildhibaan kuwaasoo la filayo in la doorto bishan gudaheeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM