Puntland: Xildhibaan Surcad oo arrimo badan ka hadlay [Dhagayso]

Image

31 Octobar, 2015(GO)-Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo ka mid ah Barlamanka Puntland ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Puntland, gaar ahaan su'aalahii la weydiiyay madaxweyne Gaas asbuucii hore iyo lacag la sheegay in loo kordhiyay Xildhibaanada.

Surcad ayaa Gudoomiyihii hore Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ku eedeeyay inay Madaxweynaha Puntland u sahlay baajinta su'aalo lagu weydiin lahaa furitaankii kalfadhiga Barlamanka Puntland 25 Octobar, 2015.

Xildhibaanka oo Gaas wax ka weydiiyay lacagta faalsada  ah ee lagu daabacay Puntland, ayaa sheegay inuusan ku qancin jawaabta uu bixiyay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Waraysi uu siyay Somali Channel, ayuu Xildhibaan Saciid Samatar Surcad, waxaa uu ku beeniyay kordhinta mushaharaadka Barlamanka, balse waxa uu qiray in la siiyay lacag dheeri ku ah midii ay horay u qaadan jireen, waxa uuna ku macneeyay lacag gunno ah, taasi oo tilmaamay in la bixiyay bishii u dambaysay, iyadoo cadadkeedu dhanyahay 400 oo dollar.

Arrimo kale oo ku saabsan su'aalihii Madaxweynah ayaa Xildhibaanku ka hadlay, waxaana uu sheegay in xukuumaddu inkiri karin xuquuqda ciidamada Puntland, ka dib xilli Madaxweyne Gaas uu sheegay inay bixiyaan mushaharka ciidamada Puntland, iyadoo waayadii dambe soo baxayeen gadood iyo cabashooyin salka ku haya xuquuq ka maqan ciidamada.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM