​Puntland: Xildhibaano been ku tilmaamay waxqabadkii Gaas soo bandhigay [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Xildhibaano katrisan Barlamanka Puntland, ayaa ka hadlay waxqabad todobaadkii tagay soo bandhigay Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas oo sheegay in xukuumaddiisu qabatay saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Mudanayaasha kala ah; Burhaan Aadan aw-Cabdi, Gaacshe Maxamed Axmed iyo Nuuradiin Cabdirashiid Cali oo waraysi siiyay Radio Garowe, ayaa sheegay in waxyaabaha Madaxweynuhu warbaahinta ka sheegay aysan waxba ka jirin iyagoo tilmaamay in mudadii uu dalka taladiisa hayay wali lasoo gaarsiin hishiis uu lasoo galay dalal iyo shirkado ajnabi ah.

Xildhibaanada, ayaa Madaxweynaha ku dhaliilay inuu dalka gaarsiiyay xaalad adag oo iminka adagtahay in wax laga qabto gaar ahaan dhinaca dhaqaalah iyo wax u qabashada shacabka.

Wax-qabadkii uu akhriyay ayay sheegeen inay ahaayeen mashaariic waddanka ay ka fuliyeen hay'ado shisheeye.

Mar wax laga weydiiyay tallaabad ay qaadayaan, waxay sheegeen in go'aanku u yaallo golaha oo idil, laakiin hadalkoodu daaranyahay in dalku ku jiro dhib aan lagu fiirsan karin.

Waxay sidoo kale cadeeyeen inay dhowr jeer oo hore Madaxweynaha kala hadleen la wadaagista hishiisyada uu galo, balse taas badalkeeda ajiibi wayay.

Mudanayaasha ayaa sidoo kale ka marag kacay inaan dowladdu tan iyo 2014 aysan bixin mushaharka shaqaalaha dowladda.

Gurmadka abaaraha oo ay dowladdu ugu deeqday 1 Malyan ayaa Xildhibaanadu cadeeyeen inaysan xukuumaddu wali bixin oo ay ku laalantahay wasaaradda maaliyadda, taasoo guddiyada gurmadka loo xilsaaray ay ku daaleen sidii ay uga dalbanayeen bixinta lacagtaas.

Waxay ka marag kaceen in Xildhibaano badan ku milmeen golaha xukuumadda taasina shaki galisay shaqooyinkii loo igmada gaar ahaan u adeegista shacabka iyo la xisaabtanka dowladda.

Hadalkan ayaa yimid xilli khudbad dheer oo Madaxweyne Gaas jeediyay dhammaadka todobaadkii hore aad bulshadu isu weydiisay, maadama waxyaabo badan oo ka hadlay aan looga baran in hogaamiyaasha dalka ugu sareeya ay ka waramaan, halka waxyaabo badan oo uu sheegay inuu wax ka qabtay lagu dhaliilay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM