Puntland: Xildhibaano sharci daro ku tilmaamey xariga Jamac Deparani [Dhagayso]

Image

19 November, 2015(GO)-Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland oo caawa shir jiraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa si kulul uga hadlay xariga lagula kacay Wariye Jaamac Yusuf Deperani oo ka howl-gala Tv-ga Somalichannal xafiiskiisa Garowe.

Xildhibaan Cabdi Samatar Surcad ayaa saxaafada u akhriyay waxa uu Dastuurka Puntland ka qabo xariga Wariye Jaamac oo uu sheegay inuusan waafaqsanayn sharciga u degan dalka, isa lamarkaana lagu xad gudbay.

Qodobka 2-aad ee Dastuurka PL:- Sarraynta sharciga

  1. Sharciga ayaa qofka ka sareeya
  2. Dhamaan hay’adaha dowlada iyo dadwaynaha waxay u hogaasamaan sharciga

Qodobka 14-aad ee Dastuurka PL:- Xoriyadda fikirka

  1. Qofkasta xor ayuu u yahay fikirkiisa, waana soo bandhigi karaa faaf-reeb horudhaca waana reeban yahay.
  2. Qofku waxa uu fikirkiisa ku cabiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.

Qodobka 22-aad:- Xaqqa saxaafadda

  1. Saxaafada iyo warbaahinta xorta ah waxay ka madax-banaan yihiin faragalin dowladeed waana inay u hogaasamaan sharciga oo kaliya.

Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba-daareed iyo Cali Dhaga-cade ayaa dhankooda dhaliil kulul u soo jeediyay wasiirka wasaarada warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade, oo ay sheegeen inuu ku xad-gudbay dastuurka dalka u yaala.

Mudanayasha ayaa sheegay in waaran maxkamadeed aan lagu xirin wariyaha, waxayna Madaxweyne Gaas ka codsadeen in dowladdu sharciga ilaaliso oo qofkii khalad gala lagu xiro waaran maxkamadeed.

Il-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay Puntland ay taliyaha ciidanka Bolice-ka Puntland General Cabdirasaaq Af-gaduud ka dalbadeen in damaanad lagu sii daayo wariyahan xiran, balse uu ka biya diiday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM