​Puntland: Xildhibaano kusoo baxay doorashada Aqalka hoose ee Barlamanka Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Labo Xildhibaan ayaa kusoo baxay doorasho kamid ah Kuraasta Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia, kuwaasoo codayntoodu saaka ka bilaabatay magaalada Garowe.

Mudanayaasha la doortay ayaa kasocday beelaha Muuse Saleebaan iyo Bah-hararsame (Dhulbahante.

Ergada Muuse Saleebaan, waxay doorteen, Cabdi Maxamud Maxamed oo wareegii kowaad helay codad gaaraya 33 cod.

Dhinaca kale, waxaa doorashada Bah-hararsame ee Dhulbahante, kusoo baxay  Daa'uud Maxamed Cumar oo helay 32, halka ninka la tartamay ee Maxamed Faarax Indho Buur uu helay 18 cod, waxaana xumaaday hal cod.

Waxaa iminka socota codaynta wareega labaad kursiga ugu adag ee reer Biciidyahay, kaasoo ay ku tartameen 6 murashax, waxaana soo baxay codaynta xigta u gudbay labadii ugu codka badnaa oo kala ah; Siciid Cali Maxamed 14 iyo Faysal Cabdulle Guuleed oo helay 22 cod.

Natiijada doorashadaas waxaan idiin kusoo gudbin doonaa wararkeena dambe hadii EEBBE raali ka noqdo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM