​Puntland: Xog uruurin laga sameeyay dakhliga soo gala dowladaha hoose

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Kulan hal maalin soconaya oo maanta lagu qabtay magalada Garowe xarunta Puntland, ayaa  looga hadlay xog uruurin dhawaan laga sameeyay qaabka dowladaha hoose ee Puntland dakhliga u helaan taasi oo ay diyaarisay hay'ad caalamiha oo lagu magacaabo ODI.

Shirkan oo ay hogaaminayso wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu turxaan bixin doonaa warbixinta hay'aadaasi soo bandhigtay, waxaana maxsuulka kasoo baxay kulanka lagu dabaqi doonaa warbixintaasi.

Munaasabadda xogtaasi  looga hadlayay waxaa kasoo qayb galay xubno kasocda wasaaraddaha maaliyadda Puntland, arrimaha gudaha, dowladdaha hoose iyo mas'uuliyiin kasocda hay'adaha caalamiga ah ee ka howlgala deegaanada Puntland.

Agaasimaha Guud ee canshuuraha Bariga wasaaradda Maaliyadda Puntland Cali Jamac Gaashaan, oo kawaramayay qorshahan ayaa tilmaamay inay wadaan qorshe lagu ballaarinayo miisaanidda dowladda islamarkaana ka dhexmuuqdaan dhammaan miisaaniyadaha waddanka oo idil.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Muno Daahir oo shirka furtay ayaa sheegtay in qorshahan muddo laga soo shaqaynayay iyadoo xustay inay tahay qorshaha kaliyaha ee lagu ogaan karo dakhliyada dowladaha hoose ee Puntland.

Horaantii Bishii Febraayo ee Sanaadkan ayay ahayd markii hay'adda lagu magacaabo ODI ( Oversea Development Institute) oo ka shaqaysa arrimaha la talinta samaysay xog uruurin laga qaaday dowladaha hoose iyo wasaraddaha dowladda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM