Puntland: Xubin kamid ah T-PEC oo la dhaariyay

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garowe ku dhaariyay xubin kamid ah Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee lagu badalay Axmed Kismayo oo iska casilay xubinimada Guddigan oo Guddoomiye u ahaa.

Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (shuuqe) ayaa loo dhaariyay inuu kamid nogdo T-PEC, waxaana ka qayb galay Madaxweyne Gaas iyo ku-xigeenkiisa Camey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib la dardaarmay Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (shuuqe),  isagoo ka codsaday inuu xilkan loo igmaday kasoo baxo isagoo bulshadiisa daacadnimo ugu shaqaynaya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey in shaqada uu hayo Cabdiraxmaan Diiriye Samatar tahay mid miisaan keeda leh, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho Qof iyo Cod ah.

Wararka uu helayo Garowe Online ayaa sheegaya in Guddigu todobaadyada soo socda ay dooran doonaan Guddoomiye iyadoo ay u sharaxanyihiin qaar kamid ah Xubnaha Guddigaas.

Shaqada Guddoonka waxaa sii haya ku-xigeenka Guddoomiyihii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM