​Puntland: Xubno kasocda Midowga Yurub oo Garowe kulamo ku yeeshay

Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa xarunta madaxtooyada Puntland kula shiray wafdi kasocda Midowga Yurub gaar ahaan qaybta siyaasadda.

Soo dhaweyn iyo is xog waraysi kadib mas'uuliyiinta ka socota EU, ayaa sheegay inay Puntland ka caawin doonaan hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland maadama dhawaan la magacaabay guddiga doorashooyinka.

Waftiga ayaa sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha madaxweynaha kala hadlay geeddi-socodka doorashada 2016-ka iyo mawqifka Puntland ee hannaanka loo marayo, waxaana En. Camay uu sheegay inay ku shaqeeyaan rabitaanka shacabka.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hannaanka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 aanay wax dan ah ugu jirin guud ahaan ummadda Soomaaliyeed isla markaana uu haddii la oggolaado meesha ka saari doono rajadii laga qabey helitaanka qaranimo Soomaliyeed oo  markale cageheeda isku taagta.

Mas'uuliyiintan oo xubno sar sare ku jiraan ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaatay Barlamanka, bulshada rayidka ah, gudiiga doorashooyinka iyo hay'adda PDRC, waxayna ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo qaabka lagu gaari  karo nidaamka axsaabta badan.

Waftiga ayaa muddo kooban  ku sugnaan doona magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxayna kulamo la qaadan doonaan Wasaaradaha Dastuurka iyo  Amniga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM