Puntland: Xubno katirsan Al Shabaab oo dil lagu xukumay

Image

GAROOWE, Puntland - Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta u fariisatay dhageysigii ugu dambeeyay ee dacwado lagu soo oogay eedaysanayaal lxabsiga ugu jiray inay Al Shabaab iyo Daacsish inay katirsan yihiin.

Dadkan maxkamad lasoo taagey maanta oo Arbaco ah oo dhamaantooda Rag ah ayaa lagu riday xukunno kala duwan.

Xassan Laamow Aadan, Yaasiin Cismaan Cabdi Saalax oo lagu soo eedeeyay inay katirsan yihiin Daacish iyo Xassan Maxamed Cali Ibraahim oo Al Shabaab ah, ayey maxkamadu ku xukuntey dil toogasho ah.

Sidoo kale, Xuseen Jaaylaani, Cabdi Cumar iyo Bishaar, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu xukumey Xabsi daa'in, sida ay ku dhawaaqdey maxkamadda.

Dhinaca kale, maxkamadda ayaa Shan sano oo xabsi ah iyo bixinta lacago magdhow ah ku xukuntey Laba Xidigle Maxamed Jaamac, oo ka tirsan Ciidanka Puntland, kaasi oo loo heysto dilka ruux shacab ah.

Hay'adaha xuquuqul Insaanka caalamka ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inay ridaan xukunno aan sharciga waafaqsaneyn iyo dilal toogasho oo lagu fuliyo dad ay caruur ku jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM