Puntland xukuno kala duwan ku riday Eedaysanayaal

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Maxkamadda ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland, ayaa maanta u fariisatay dhagaysiga dacwad ka dhan ah 7 ruux oo loo haystay dambiyo kala duwan.

Fadhi ay Guddoonka Maxkmadda ku yeesheen magaalada Bosaso ayaa go'aan looga gaaray 7 qof oo labo kamid ah ciidamada daraawiishta Puntland katirsanyihiin iyo 5 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale soo xaadiray ehelka dadka la xukumay iyo qareenada u doodayay.

Guddoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan, ayaa warbaahinta u sharaxay kiisaska loo haysto eedaysanayaasha iyo xukunka ku waajibay, waxaana labo kamid ah lagu ciqaabay dil toogasho ah.

Shan dhalinyaro ah oo waqtiyo kala duwan lasoo qabtay ayaa maxkaddu ku xukuntay xabsiyo u dhaxeeya 20 ilaa 39 sano.

Cabdiwaaxid Macalin Axmed Xasan-22 -Sano Jir

Mahad cali Xuseen ibraahim 22-Sano Jir

Yaasiin Maxamed Cabdi Ciise 39-Sano jira

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Barre 19-Sano Jir

Maxamed Cadi-qani Xasan 33-Sano jir.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidoo kale go'aan ka gaartay kiis loo haystay Askar katirsan ciiidamada daraawishta Puntland, kuwaasoo la sheegay inay dilal ka gaysteen degmada Qandala ee gobolka Bari.

Raggan oo lagu kala magacaabo; Mubaarak Mire Muumin iyo Laba Xidigle Faysal Ibraahim Cali, ayaa labadoodaba lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii ay kala caddayn waayeen cidda rasmi ahaan dishay marxuumka lagu dilay Qandala.

Maxkamadda ayaa sheegtay in muddo 30 casho ah racfaan ka furanyahay xukunnada kala duwan ee ay riday maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM