​Puntland: Xukuumadda oo ka hadashay Qoraalka kasoo baxay ciidanka PSF-ta

Image

GAROWE, Puntland- Dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgalo ay ciidamadeedu ka maalmihii la soo dhaafay ka wadeen buuraha Galgala kuwaasoo ay ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Ururka Alshabaab waxayna xaqiijiyeen inay ku dileen 18 dagaalyahan.

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo waraysi siiyey Idaacadda VOA ayaa yiri, “Maalmahan dowladda Puntland iyo ciidameedu waxay wadnay dagaalo aan ku qaadnay Argagixisada caalamiga ah ee Alshabaab iyo Daacish ilaa 18 waan ka dilnay maxaabiisna waa laga qabtay Saad wixii haysteena waa laga qabsaday”.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay in hawlgalladan ay fuliyeen ciidamada Puntland, wuxuuna dowladda Federaalka Somalia iyo beesha caalamka ugu baaqay inay gacan ka gaystaan sidii Mallayshiyaadka ku sugan Buuraha gobolka Bari loo soo afjari lahaa.

Wasiirka oo la waydiiyey xilliga uu bilaamay hawlgalkan ayaa tilmaamay in dhawaanahan uu socday loona diyaargaroobayey isagoo carrabka ku dhuftay inuu sii socon doono ilaa ay ka sifaynayaan deegaanada ay Puntland kaga suganyihiin.

Goobaha sida gaarka ah loo wareeray ayuu Qarjabad xusay inay ka mid ahaayeen; Madar shoon iyo degaano kale oo kamid ah Buuraha Calmadow.

Halgalkani inuu jawaab u yahay weerarkii Alshabaab ay ku soo qaadeen Af-Urur ayuu wasiirku kaga jawaabay,  “Weerarkii Alshabab si jawaab waa ugu yahay lakiin mar walba Argagixsada dolwladda Puntland iyo dadweynaheeduba dagaal bay la gali jirtay Alshabaab ban lala dagaalamay Daacish iyo ururkii Itixaad mar kastana waa laga guulaystaa kooxahan”.

Cabdi Xirsi ayaa ammaanay ciidamada difaaca Puntland, isagoo carrabka ku dhuftay in howlgalkan sii socon doono ilaa kooxahan laga sifeeyo deegaanada ay kaga suganyihiin gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM