Puntland:Ciidamada amaanka gobolka Barri oo qabtey qaraxyo [Sawiro]

Image
Image
Image

BOSSASO- Ciidamada amaanka gobolka Barri ayaa soo bandhigey sawirada minooyin la sheegey in lagu sidey gawaari la rumeysan yahay iney qaraxyo ka fulin lahaayeen xarumo ka tirsan Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee ka howl gala magalaada Bossaso habeenkii xalay 24/04/2017 qabteen gaari sidey qaraxyo lasoo diyaariyey kuwasoo loogu talagaley in Sadex goobood lala eegto.

Warsaxafadeed saraakiisha ciidamadaan siiyeen saxafada ayaa lagu sheegey in qaraxyadaan lagu diyaariyey fuustooyin loo qaybin lahaa Sadex gaari kuwasoo lagu bartilmaameedsan lahaa 3 goobood.

Howgalkaan ayaa sidoo kale lagu qabtey 5 nin oo sidet qaraxyadaan iyadoo saxaafada  loo soo bandhigey qaraxyada oo kaliya.

Wasaarada amniga Puntland ayaa weli ka hadlin howlgalkaan lagu guuleystey in lagaga hortago qaraxyo lala beegsan lahaa qaybo ka tirsan magalaada Bossaso.

Qabashada qaraxyadaan ayaa imaaneysa malamo kadib markii qarax miino ah degaanka Galgala lagula beegsadey ciidamada amaanka Puntland kaasoo ay ku dhinteen 9 Askari.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM