Qaabka lagu helay xogta horjoogihii laga dilay ISIS-Somalia

Image
Bilaal Al Suudaani ayaa la aaminsan yahay in uu muhiim u ahaa dhaqdhaqaaqa lacagaha ee Daacishta Soomaaliya.

GAROWE, Puntland - Wargeyska New York Times ayaa warbixin uu daabacay isaga oo xiganaya saraakiil ka tirsan Maraykanka iyo hay’ado arrimaha amniga ka shaqeeya ayaa waxaa ku xusan in Bilaal Al Suudaani, sarkaalka sarre ee ka tirsanaa Daacish ee mardhow Soomaaliya lagu diley, laga soo tixraacay caasimada Afghanistan ee Kabul.

Qormadda ayaa lagu sheegay in Bilaal uu isaga ugu wacnaa in bartilmaameedka ugu muhiimsan uu u noqdo Maraykanka kadib markii raadkiisa laga heley weerar kooxda Daacish ay Kabul ka fulisay sanadkii 2021-dii.

Washington ayaa warisay in Bilaal uu ahaa ninka ugu muhiimsan kooxdani ee kala wareejin jirey lacagaha kooxdani ay ku dhaqdhaqaaqdo gaar ahaan Afghanistan iyo meelo kale oo muhiim ah.

Maqaalka ayaa xusay in halkii mar uu Bilaal xawili jirey boqolaal kun oo doolar isaga oo isticmaalaya ama adeejinaya shabakado ku sugan Kenya, Koonfur Afrika iyo Koongada Dimoqoraadiga ah.

Faallada ayaa tabisay in inkasta oo faraha Daacish ee Soomaaliya ay tahay mid tiro ahaan yar oo lagu qiyaaso illaa 280 dagaalamayaal, haddane faracani uu yahay mid laf dhabar u ah hawlaha Daacish ee adduunka.

Soomaaliya ayay majaladda carabka ku adkeysay in ay noqotay ay u noqotay meel lacago badan ay kooxda ka samayso, lacagahaasi oo inta badan kooxda kusoo gasha baad iyo dhac toos ahba.

Sidda laga soo xigtey sarkaakiisha warbixinta lagu carabaabay, lacagahan ayaa lagu iibiyaa hubka, qaraxyada iyo waxyaabaha loo baahanyahay sida laga ogaaday xogo iyo macluumaad laga heley kumbuyuutaraad laga heley godkii buuraha dhexdooda ahaa ee uu Bilaal ku dhuumanayay ka hor inta aanan la dilin.

Hawlgalka Bilaal lagu diley waxaa fuliyay ciidamada Kumaandoosta Maraykanka, kuwaas oo ay qasab tahay in amarka laga soo saxiixo madaxweynaha, arrintana ay muujinayso sida uu ninkani muhiim ugu ahaa Ameerikaanka. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa sidoo kale kaalin weyn ka cayaaray khaarijinta horjoogahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM