Qaar kamid ah Idaacadaha Puntland oo joojiyay baahinta VOA

Image

GAROWE, Puntland- Qaar kamid ah warbaahinta Maxalliga ah ee ka howl gasha deegaanada Puntland, ayaa hakiyay sii daynta laanta Af-Somaliga ee VOA, taasoo aad looga dhagaysto guud ahaan Somalia.

Idaacadaha kala ah; Daljir iyo SBC, ayaa joojiyay sii daynta Idaacaddan oo si toos ah usoo dhex-mari jirtay FM-yadooda ku yaalla deegaanada Puntland.

Xilliyadii ay sii dayn jireen VOA, waxay ku badaleen barnaamijyo iyo warar kale taasoo ilaa hadda aan war-rasmi ah laga hayn sababta keentay.

VOA oo kamid ah Idaacadaha ugu afka dheer ee ku hadla Af-Somaliga ayaa inta badan tabisay dhacdooyinka kala duwan ee ka dhaca deegaanada Puntland.

Warbaahinta fadhigeedu yahay magaalada Washington ayaa muddooyinkii dambe waraysiyo iyo war-bixino ka diyaarinaysay xaaladda ammaanka, taasoo ay aad u dhibsatay xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Lama oga tallaabadan inay ka dambayso xukuumadda Puntland oo waayadan dagaal kula jirtay saxaafadda iyo inuu yahay qorshe lagula xisaabtamayo Madaxda Idaacaddan.

Maamulka Idaacadaha SBC iyo Daljir kama aysan hadlin arrintan oo ay isula dhex-marayeen shacabka Puntland.

Idaacada Radio Garowe oo kamid ah warnaahinta ugu waaweyn ee ka howlgala degaanada Puntland ayaa iyadu qayb ka aheyn go'aankaas labada idaacadood ku joojiyeen baahinta barnaamijyada laanta Af-Somaliga VOA. 

Dhawaan ayaa dowladda Puntland, shaqoo joojin ku samaysay TV-ga Universal oo dacwadiisu ka socoto magaalada Garowe kadib markii uu baahiyay riwaayad ka hadlaysa shaqada Madaxda Puntland gaar ahaan Madaxweyne Gaas.

Xiriirka wada-shaqaynayd ee u dhaxeeya laanta Afka Somalia ee Idaacadda Codka Maraykanka iyo xukuumadda Puntland, ayaan wanaagsanayn taasoo keentay in dowladdu awaamiir kala duwan kasoo saartay shaqadeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM