Qaar kamid ah Idaacadaha Puntland oo joojiyay baahinta VOA

Image

GAROWE, Puntland- Qaar kamid ah warbaahinta Maxalliga ah ee ka howl gasha deegaanada Puntland, ayaa hakiyay sii daynta laanta Af-Somaliga ee VOA, taasoo aad looga dhagaysto guud ahaan Somalia.

Idaacadaha kala ah; Daljir iyo SBC, ayaa joojiyay sii daynta Idaacaddan oo si toos ah usoo dhex-mari jirtay FM-yadooda ku yaalla deegaanada Puntland.

Xilliyadii ay sii dayn jireen VOA, waxay ku badaleen barnaamijyo iyo warar kale taasoo ilaa hadda aan war-rasmi ah laga hayn sababta keentay.

VOA oo kamid ah Idaacadaha ugu afka dheer ee ku hadla Af-Somaliga ayaa inta badan tabisay dhacdooyinka kala duwan ee ka dhaca deegaanada Puntland.

Warbaahinta fadhigeedu yahay magaalada Washington ayaa muddooyinkii dambe waraysiyo iyo war-bixino ka diyaarinaysay xaaladda ammaanka, taasoo ay aad u dhibsatay xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Lama oga tallaabadan inay ka dambayso xukuumadda Puntland oo waayadan dagaal kula jirtay saxaafadda iyo inuu yahay qorshe lagula xisaabtamayo Madaxda Idaacaddan.

Maamulka Idaacadaha SBC iyo Daljir kama aysan hadlin arrintan oo ay isula dhex-marayeen shacabka Puntland.

Idaacada Radio Garowe oo kamid ah warnaahinta ugu waaweyn ee ka howlgala degaanada Puntland ayaa iyadu qayb ka aheyn go'aankaas labada idaacadood ku joojiyeen baahinta barnaamijyada laanta Af-Somaliga VOA. 

Dhawaan ayaa dowladda Puntland, shaqoo joojin ku samaysay TV-ga Universal oo dacwadiisu ka socoto magaalada Garowe kadib markii uu baahiyay riwaayad ka hadlaysa shaqada Madaxda Puntland gaar ahaan Madaxweyne Gaas.

Xiriirka wada-shaqaynayd ee u dhaxeeya laanta Afka Somalia ee Idaacadda Codka Maraykanka iyo xukuumadda Puntland, ayaan wanaagsanayn taasoo keentay in dowladdu awaamiir kala duwan kasoo saartay shaqadeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM