Qabanqaabada shirweynaha uu Deni ku dhawaaqay oo laga warbixiyey

Image

GAROWE, Puntland – Dowlada Puntland oo shaacisay in qabanqaabada shirweynaha uu madaxweyne Deni kaga dhawaaqay Boosaaso ay meel fiican mareyso ayaa rajeysay in uu ku dhaco waqtigii loo muddeeyay.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta Puntland, ayaa hadalkaas ka sheegay Madasha Dooda PUNSAA oo habeenimadii Khamiista lagu qabtay Garowe.

Wasiirka oo dadweynaha ku booriyey in ay taageero u muujiyaan shirkaas ayaa ku waaniyey in aysan kasii horudhicin natiijadda kasoo bixi karta.

Shirweynahaas oo looga hadlayo doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in uu dhaco 15-ka bishaan Maaj.

Guddiga uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni u magacaabay qabanqaabada ayaa ku guda jira diyaarinta oo la xusay in ay "si fiican u socoto".

Madaxda talada haysa, saamileyda siyaasadda iyo xubno kale ayaa qorshuhu yahay in ay kasoo muuqdaan shirka oo ay soo dhaweeyeen dhinacyo badan.

Dhanka kale, Dhabancad oo xusay in khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka uu daaran yahay baalmarista habka lagu heshiiyey ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in wadahadalo lagu dhameeyo.

Ugu dambeyntii, isagoo dhalinyarada Puntland ku booriyey garab istaaga dowladooda ayaa sheegay in ay jiraan da’yar kale oo "si qaldan u adeegsada magaca dhalinta Puntland, iyagoo fulinaya ajande cid kale u dhiibtay".

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM