Qandaraasyada wadada isku xirta gobollada Puntland oo la bixiyay

Image
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa maanta goobjoog ka noqday saxiixa heshiiska Mashaariicdan.

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta goobjoog ka noqday saxiixa heshiiska Mashaariicda Dhismaha, Dayactirka iyo horumarinta Wadada isku xirta Gobollada Puntland, oo ay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland la saxiixatay Shirkada dhismaha ee Albaashid iyo Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo. 

Deni ayaa boggaadiyay mashaariicda dhismaha iyo dayactirka wadooyinka Puntland, wuxuuna xusay in dhowaan la billaabi doono dhismaha Wadada Xarfo-Gaalkacyo oo qorshaheedu meel geba geba ah marayo. 

Mashaariicda dhismaha Waddooyinka Puntland oo ah cashuurtii oo dalka dib-loogu dhisayo, ayaa 18 July 2024 waxaa ansixiyey Guddiga Sarre ee Hay’adda Waddooyinka Puntland, waxaana maanta la billaabay howlgelintooda, iyadoo la saxiixay heshiisyada shirkadaha dhisaya Waddooyinka oo kala ah:- 

1. Heshiiska Shirkadda dhismaha ee ALBAASHID:

- Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Xaaji Kheyr. 

- Dayactirka wadada 22-aad illaa Barda dawaco 

2. Heshiiska Guddiga Dhismaha Ceeldaahir-Ceergaabo.

- Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Laasa Dawaco- Boosaaso

3. Shirkadda dhismaha KEBARCO, oo dhameystiraysa dhismaha wadada isku xirta Rabaable- Kalabayr.

Ugu danbeyn, Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa korjoogteynaysa Mashaariicda dhismaha Wadooyinka Puntland, sidoo kalena joogtaynaysa dayactirka  Wadada isku xirta Gobolada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM