Qaramada midoobay oo Dadaal gelinaysa Doorashada Puntland

Image

Garowe-Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya, Catrina Liang ayaa maanta Garowe kula kulantay madaxweynaha Puntland ee maalmaha uun ay ka dhiman yihiin Xil-hayntiisa Dastuuriga ah, Siciid Cabdulaahi Deni iyo xubno kamid ah golaha wasiirada.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayay ku sheegtay in ay muhiim tahay in wadahadal laga galo arinta Doorashada isla markaana madaxweynuhu Qanciyo Saamileyda siyaasadda oo kaliya aan ahayn mucaaradka ee ay ku jiraan Dhaqanka, Dhalinyarada iyo Haweenka.

Mucaaradka Puntland oo iyagu Garowe kasoo saaray maanta war-saxaafadeed ay iska-hor-imaadkii dhawaa Garowe ka dhacay ay mausuliyadiisa ku saareen madaxweynaha sii tagaya, Siciid Deni ayay la kulantay Catrina Liang.

inkasta oo aan war-sxaafadeedka si gaar ah looga hadal wixii dhex maray Wakiilka xoghayaha guud iyo xubnaha Madasha Mucaaradka Puntland hadana waxaa lagu lifaaqay war-saxaafadeedka sawirka kulanka.

Madasha mucaaradka Puntland oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiin, Murashaxiin iyo urur siyaasadeedyada Mideeye, Horseed, Shaqaalaha iyo Dhalinyarada ayaa iyagu aqbalsan in la aado Gudoonka Isimada oo dhawaan shir Garowe kusoo dhamaaday ay Isimadu ku gudoomiyeen in Doorashada Puntland ee soo socota lagu galo wadadii hore ee xubnaha 66-da isla markaana ay odayaasha dhaqanku soo xulayaan.
 
Madaxweynaha Xil-hayntiisa Dastuuriga ay maalmaha ka harsan yihiin ee Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa muujiyay dhawaan sida uu ugu hamuun qabo in uu colaad kursiga ku joogo kadib hadal jeedin uu ka sameeyay taliska ciidamada Daraawiisha Puntland ee 54aad isaga oo maalmahas sameeyay wax ay Madasha Mucaaradku ugu yeertay kicin iyo hurin Colaad Qabiil.
 
GaroweOnline.

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM