Qarax ka dhacay Magaalada Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Weerar khasaaro gaystay ayaa caawa ka dhacay xarunta gobolka Bari ee Bosaso, halkaas oo maanta uu gaaray Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo safar muddo uga maqnaa Puntland. 

Koox aan haybtooda la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday Bangiga dhexe ee Bosaso. 

Goob joogayaal la hadlay GO, ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhacay gudaha Bangiga kadib markii rag lagu qiyaasay labo qof ay Bambaanooyin kusoo tuureen xaruntaas.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah, balse waxaa la sheegayaa inuu dhaawac soo gaaray hal ruux. 

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca Puntland iyo saraakiisha ammaanka Bosaso. 

Weerarada caynkan ah waxaa fuliya kooxaha argagixisada sida Daacish iyo Al Shabaab. 

Dhawaan ayay ahayd markii weerar lagu qaaday Hotel Village oo ku dhinteen lix ruux oo ay kamid ahaayeen kooxdii weerarka soo qaaday. 

Amniga gobolka Bari ayaa muddooyinkii dambe aad u xumaa, iyadoo ilaa hadda aysan jirin tallaabooyin lagu xasilinayo nabad-galyada oo ay sameysay xukuumadda Madaxweyne Gaas hogaamiyo. 

Dhawaan wasiirka Amniga oo kasoo laabtay xarunta gobolka Bari, ayaa warbaahinta u sheegay inaysan suuro gal noqon doonin in kooxaha Argagixisada katirsan lagu hayo xabsiyada xilli ay dilal kala duwan iyo amni darro ka wadaan Puntland. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM