Qarax ka dhacey saldhiga bartamaha magaalada Bosaso

Image

BOSASO Jan 10,2015 [GO]- Waxaa caawa lagu weerarey Bambooyinka kuwa gacmaha laga tuuro saldhiga Bartamaha magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaso. Wararka kasoo baxaya goobtaas ayaa sheegeya in dadkii weerarkaan gaystey ka baxsadeen goobta.

Wararka kasoo baxaya halkaas oo aad u kooban madaama ciidamada amniga gaareen goobta ayaa wararka hordhaca ee soo baxaya waxey sheegayaan in dhaawac fudud kaliya ka soo gaarey qof dumar ah oo goobta qaraxu ka dhacey ku dhoweyd.

Weerarkaan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada amniga Puntland howlgalo kaga jiraan dhulka kaymaha ah ee ku yaal buuraleyda Golis.

Warsidaha Garowe Online kala soco wararka la xiriira khasaaraha qaraxaan gaystey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM