Qarax khasaare dhaliyey oo lagu weeraray ilaalada dekedda Bosaso

Image

April 29, 2015 (GO)- Qarax ayaa goor dhow ka dhacay afaafka hore ee dekedda magaalada Bosaso, gaar ahaan halka loo yaqaan Dabaqa Sahalka.

Qaraxa ayaa ka dhashay bam gacmeed lagu tuuray bar-kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ilaalada dekedda.
Inta la ogyahay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintey weerarkaas labo qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

Qofka dhintey ayaa ah nin jidka marayey xilligii uu qaraxu dhacay, sidoo kale labada qof ee dhaawacmey  ayaa ka tirsanaa haweenka qaadka ku gada agagaarka dekedda.

Ciidamada ammaanka ayaa hawlgal baaritaan ah ka sameeyey xaafadaha ku dhow dekedda inkastoo ilaa iyo hadda aan cidna falkaas loo soo qaban.

Mas'uuliyadda qaraxa weli cidna ma sheegan, haseyeeshee dhowr weerar oo caynkan ah oo horay magaalada Bosaso uga dhacay ayaa waxaa mas'uuliyaddooda sheegtay ururka Al-shabaab.

Qaraxyada ayaa bilihii u dambeeyey kusoo badanayey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM