Qarax lala beegsadey macaliim u dhashey dalka Kenya

Image

GALKACAYO Jan 2,2014 [ GO]- Magaalada Galkacayo dhankeeda Woqooyi ayaa waxaa maanta ka dhacey Qarax lala beegsadey Macalimiin wax ka dhigta dugsiga sare ee Yameyska.

Qaraxaan ayaa wararku sheegaayaan inta la hubo inuu ku dhintey qof aan la xaqiijin wadanka uu u dhashey halka dhaawac soo gaarey qaar ka tirsan dadkii saarnaa gaari lala beegsadey miinada dhulka lagu aaso.

Saraakiisha amniga Puntland ee gobolka Mudug oo ka hadashey weerarkaan ayaa sheegey in qaraxaan loo dhigey macalimiin Kenyan ah kuwaasoo wax ka dhiga dugsiga sare ee Yameyska ayna wadaan baaritaano la xiriira sidii loo ogaan lahaa dadka ka dambeeyey.

Magaalada Galkacayo ayaa dhowaanahaan waxaa ku soo badanayey weerarada lala beegsanyo xarumaha saxafada, wariye-yaasha iyo goobaha kale ee adeega arrimaha bulshada.

Wasiirka Amniga Xasan Allore ayaa warbixin uu dhowaan ka akhriyey kulan la sheegey in lagula xisaabtamayo xukuumadda madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegey iney guulo ka gaareen hoos u dhigada weerarada kooxaha argagixisada u gaystaan shacabka Puntland isagoo ku saleeyey ama halbeeg ka dhigtey boqoley.

Dadka ka faalooda arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada Puntland ayaa warsidahaan Garowe Online u sheegey iney xoogaga Al-shabaab ku soo xoogeysteen gobolada qaarkood gaar ahaan Mudug halkaas oo daris la ah gobolada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM