Qardho oo laga hirgeliyey xarun lagula dagaalamayo Ayaxa

Image
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku tagay Qardho ayaa xarigga ka jaray xaruntaas.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku tagay Qardho ayaa xarigga ka jaray xarunta la socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya oo laga hirgeliyay Qardho.

Deni ayaa boggaadiyay dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay wadajir u qabteen Wasaaraddaha arrimaha Beeraha iyo Deegaanka ee heer Federaal iyo heer Puntland iyo Hay’adda FOA.

Talaabadan ayuu xusay in ay sahashay in sidii loogu talagalay loo hirgeliyo xaruntan, oo ah tan ugu weyn ee la dagaalanka Ayaxa guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka Keeska Africa.

Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyay in xarunta Ayaxa ee Soomaaliya loogu magac daro Wasiirkii hore ee Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland AHUN Ismaciil Diiriye Gama’diid, oo isagu ah shakhsiga billaabay xiriirka lagu keenay xaruntan, wakhti geliyay isla markaana dhaggax dhigay dhismaha xarunta .

Intii ay munaasabadda socotay wuxuu Madaxweynuhu goobjoog ka noqday, heshiiska Aqoonsiga xaruntan in ay shaqo bilowday oo ay kala saxiixdeen Wasiirka Beeraha ee DFS Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Madaxda Hay’adda La socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Bariga Afrika (DLCO).

Munaasabadda furitaanka xarunta Ayaxa ee Soomaaliya waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay, Wasiirada Beeraha iyo Deegaanka ee DFS iyo Dowladaha xubnaha Ka ah DFS.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madaxda Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada Qardho iyo kan Gobolka Karkaar iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM