"Qareenada ragii dilay Caasha meel mugdi ah bey Ul ku tuurayaan"

Image

GAROWE, Puntland – Maxkamadda Darajadda Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa mar kale dhageysan doonta gar-maqal ku saabsan kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaas markii ay Racfaan qaateen raggii dilka toogashada lagu xukumay.

Saddex shaqsi oo lagu kala magacaabo; C/fitaax Cabdiraxmaan Warsame, C/shakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame ayaa lagu helay caddeymo markii hidesidahooda DNA-ga laga qaadey.

Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa maanta oo Isniinn ah shaaciyey in dhageysiga gar-maqalka oo qabsoomeysa 22-ka bishan June oo ku beegan Sabtida soo aadan ay kasoo qeyb-geli karaan dhamaan cid kasta oo daneynaysa.

Maxamed Xareed, ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland ayaa meesha ka saarey in uu jiro isbedal ay og-yihiin oo gal-dacwadeedka gaar ahaan dhanka caddeymaha oo ku yimid.

Dacwad-oogaha ayaa shaaca ka qaadey in qareenada difaacayey eedeysaneyaasha "aysan hayn" caddeymo ay ku burin karaan fahfaahinta ay soo bandhigtay xeer-ilaalinta.

"Qareenada meel mugdi ah ayey Ul ku tuurayaan," ayuu ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da kahor inta uusan war-fidiyeenka si guud ula hadlin.

Isaga oo sii hadlaya ayaa wuxuu intaasi raaciyey: "Inaga ma nihin weerar, waxaanu nahay difaac, qareenada ma hayaan caddemo ay ku burburin karaan kuwa aan inaga soo bandhignay oo ah tusaalooyin iyo caddeymo laga qaadey DNA-ga oo Sheybaarka dowladda Puntland uu qaadey".

Dhageysigan mar labaad lagu celinayo ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo todobaadkan mar uu madaxweyne Deni uu ka hadlay xukunka dilka toogashada ah ee lagu riday raggaasi uu xusay in ay xukuumadiisa fulin doonto.

MUUQAALKA MR XAREED

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM