Qarjab "shacabku amniga waa inay dowladda kala shaqeeyaan"

Image

July 12, 2015 (GO)- Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo dadaalka ku aaddan xal u helista xiisadda ka aloosan deegaanka Qarxis, halkaas oo muddo bil ku dhow ay isku hor fadhiyaan ciidamo dowladda ka tirsan iyo ciidamo kale oo gadoodsan, kuwaasoo Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse hoggaaminayo.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa dhanka kale sheegay in heegan sare la geliyey ciidamada ammaanka Puntland, kadib markii la helay xogo muujinaya weerarro ay suurogal tahay inay ka dhacaan Puntland.

Ugu dambeyntii, wuxuu baaq u diray shacabka isagoo ka codsaday inay laamaha ammaanka si dhow ula shaqeeyaan qaybna ka qaataan sugidda amniga iyo weliba soo qabashada cid kasta oo amniga halis ku ah.

Magaalada Garowe waxaa maanta kulan looga hadlayey xal u helidda xiisadda Qarxis ku yeeshay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Isnaan iyo isimmada gobolka Nugaal, Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM