​Qarjab: "Maxkamad ayaan gaynaynaa Gallan"

Image

BOSASO- Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ka hadlay shaqaaqadii shalay  01 Febraayo, 2016 ka dhacday magalada Bosaso xarunta gobolka Bari iyo howl galkii lagu qaaday guriga uu daganaa gudoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamada Maxamed Gallan.

Qarjab oo waraysi siiyay laanta Afka Somaliga VOA, ayaa faahfaahin ka bixiyay qasaaraha ka dhashay howlgalkii ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen baydka Gallan, wuxuuna tilmaamay inay jiraan khasaaro soo gaaray dhanka ciidanka dowladda, dhalinyaro kusugnaa goobtaasi iyo guriga gudoomiyihii hore Bari. 

Wuxuuna wasiirka Amniga Puntland dhaliilay gudoomiyihii hore gobolkaas isagoo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dhibaatada ka dhacday xarunta ganacsiga Puntland iyo abaabulka dhalinyaro uu sheegay inay banaanbaxa ka dhigeen magaalada. 

Wasiir Qarjab oo ka hadlayay qorshaha kaga aadan Puntland gudoomiyihii hore Bari, ayaa sheegay inaysan go'doomin doonin, balse sharciga horgayn doonaan, maadamada sida wasiirku xusay Gallan iyo shakhsiyaad uusan magac dhabin lagu haysto kiisas ka dhan ah arrinta magalada Bosaso. 

Arrinta shaqo la'aanta dhalinyaradu ka cowdeen ayuu ka hadlay Cabdi Xirsi, wuxuuna sheegay inay dhalinyarada la hadleen kana dalbadeen inay soo cadeeyaan jaamacadaha ay kasoo baxeen islamarkaana keenaan shahaadooyinkooda. 

Hadalka wasiirka ayaa yimi xilli shalay ciidamo ammaanka Puntland, weerar ku qaadeen gurigii uu daganaa Cabdisamad Maxamed Gallan, waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan oo kamid ahaa; dab qadsaday guriga kadib rasaas lala dhacay, waxaase xilligaasi suurta galin in gacanta dowladdu kusoo dhigto Gallan. 

Xaaladda magalada Bosaso ayaa maanta 02 Febraayo daganayd, waxaase caawa lagu dilay nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Xirsi Adduunyo kaasoo ilaa hadda garanayn waxa lagu dilay iyo cidda dishay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM