Qarjab oo ka hadlay dilka Taliye Baakistaan [DHEGEYSO]

Image
Image
Image
Image

July 28, 2015 (GO)- Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qar-jab" ayaa Radio Garowe uga waramay halka ay marasyso baarista cidii ka danbeysay dilka taliyihii saldhigga booliska dhanka bari ee degmada Garowe, Siciid Bakistaan Bulshaale. 

Wasiirka ayaa sheegay in lasoo xiray askarigii ka danbeeyay dilka taliyaha iyo dhowr qof oo kale oo arrintaas ku lug lahaa.

 "Ciddii sarkaalka dilkiisa ka danbeysay iyo dadka falkaasi ku lug lahaa baaritaan buuxa ayay u baahan tahay, laakiin ciidankii falkaas ku lugta lahaa gacan ayaa lagu hayaa, waxaana loo diray afar hay'adood si ay u baaraan, baaritaankaasi ka dib wixii ay mutaystaan bay sharciga ka helayaan" ayuu yiri Wasiir Qar-jab.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga ayaa xusay in la xiray gabadh uu sheegay in iyada sababteeda fowdadu ka dhalatay, loona gudbin doono xabsiga weyn ee degmada Qardho, inta maxkamad laga soo taagayo.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in gebi ahaanba la bur burinayo goobta ay shaqaaqadu ka dhacday oo ku taal Jidka Meeraysane.

Goobtaas oo masaafo aan badneyn u jirta Xarunta Qaramada Midoobey ee Garowe, waxaa ku yaal suuq qaadka lagu gado iyo maqaayado yaryar oo lagu qayilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM