Qarjab: " Puntland cid weerari mayso, waase is difaaceysaa "

Image

December 9, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa markii ugu horreysey ka hadashay xiisad colaadeed oo maalmihii u dambeeyey laga soo sheegayey degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, kadib markii mileeshiyo beeleed kasoo jeeda deegaanada Galmudug ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen duleedka degmada Towfiiq.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Qarjab ayaa sheegay in dowladdu ka warqabto dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Galmudug ka waddo deegaano ku dhow degmada Towfiiq, isagoo  wax laga xumaado ku tilmaamay in mar kale colaad gobolka dib looga huriyo.

"haddii xadka Puntland lasoo weeraro ama ciidamo lasoo dhoobo, dadka waxan ku wargelinaynaa inay is difaacaan gacamahana aysan laaban...anagu nabadda waa rabnaa laakiin nabaddu waa inay noqoto mid lagula rabo, hal dhinac nabaddu kama shaqeyn karto" ayuu yiri.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Towfiiq, Maxamed Cabdulqaadir Axmed ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhaq dhaqaaqyada ciidan ee mileeshiyaadka Galmudug wadaan. Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale  sheegay in ilaa iyo hadda aysan ogeyn sababta arrintan ka dameysa.

Wararka madaxa bannaan ee Garowe Online helayo ayaa tibaaxaya in xiisadani ka dhalatay dilkii ganacsade Daahir Gode-Gode oo December 4, 2015  lagu diley meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo. Mileeshiyaadka isku uruursanaya duleedka degmada Towfiiq waxay isku hayb yihiin ganacsade Gode Gode.

Puntland iyo Galmudug ayaa dhowaan heshiis kala saxiixday kadib dagaallo khasaare badan geystey oo labada dhinac ku dhex maray magaalada Galkacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM