QM oo shaacisay qoraal ku socda Madaxweynaha dowlada Puntland

Image

Qoraalkaan oo xafiiska UNSOM soo gaarsiiyey Warsidaha GAROWE ONLINE ayaa waxaa ku sixiixan wakiilada xafiiska UNSOM ee Somalia, Wakiilka IGAD ee Somalia iyo Wakiilka midowga Yurub ee Somalia.

Warqadaan oo ku socotay Madaxweynaha Puntland ee Somalia Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxaa wakiiladan ku xaqiijinayaan in heshiikii dhowaan lagu saxiixey magaalada Muqdhsu kasoo maamul loogu sameynayey gobolada Galgaduud , Mudug iyo Ximan Xeeb uusan carqalad ku aheyn jiritaanka Puntland.

Wakiiladaan ayaa dowlada Puntland u balan qaadaya in heshiiskaan uu khuseeya maamul u sameynta Galmudug oo ka arimisa Koonfurta Mudug, Galkaduud iyo Ximan Xeeb oo ka arrimisa maamulka saldhigiisu yahay Cadaado.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale qoraalkan kaga codsaneysa inuu Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas dib u soo celiyo heshiiska dowlada Federaalka ah madaama Puntland laf-dhabar u tahay nidaamka Federaalka inuu ka hirgalo Somalia.

Dowladda Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa horey loogu eedeeyey in xiriirka dowlada Federaalka soo celiyey shuruud la'aan xili uu go'anaa.

Xukuumadii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa xiriirka u jartey dowlada Federaalka ah kadib markii xadgudub loo gaystey Dastuurka Somalia.

GAROWEONLINE

Halkaan ka akhri qoraalkan adigoo riixaya PDF

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM