Qodobada Puntland oo shirkii Muqdishu looga doodin [Dhagayso]

Image

22 Septembar, 2015(GO)-Afhayeen xukuumadda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac "Quraan Jecel" oo waraysi siiyay Radio Garowe ayaa ka hadlay aragtida Puntland ee warmurtiyeedkii shalay laga soo saaray Muqdisho.

Quraan Jecel ayaa sheegay Puntland inay shirka la tagtay 9 Mabda'a oo kala duwan kuwaasi oo ka mid ahaayeen; Dastuurka, qabsoomidda doorashada xilligii horay loo qorsheeyay, soo xulista Barlamanka Somalia iyadoo lagu salaynayo 18-kii gobol ee Somalia, cida go'aamin doonta iyo qodobo kale.

Qodobada Puntland wax dood ah lagama furin sida uu sheegay Afhayeenku maadaama Puntland banaanka ka istaagtay shirka iyagoo ku tilmaamay mid khaldan, balse ay joogeen furitaankiisa.

Bartamaha bisha 10-aad ayuu sheegay in loo ballansanyahay shir kale kaasi oo Puntland aragtideeda ku soo bandhigi doonto.

Waxa uu cadeeyay inay jiraan dokumintiyo khaldan oo lafaafiyay, balse kan saxda ahi uu tilmaamayo furitaanka shirka iyo mahadnaqa xubnaha ka soo qayb galay.

Puntland ayaa shirkii Muqdishu uga baxday sababo ay ka mid tahay maamulka Galmudug oo sharciyadiisu waafaqsanayn Dastuura dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM