Qodobo ka soo baxay shirka Galkacyo [Dhagayso]

Image

29 Augusto,2015(GO)-Waxaa galinkii dambe ee maanta lasoo gaba-gabeeyay shirka wadatashiga Puntland oo malmahan ka socday magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirka waxa ka soo baxay qodobo dhawr ah oo ay ka midyihiin; in Guddi ka kooban dawladda iyo dadweynaha loo saaro dib uso celinta dhulka ka maqan gacanta Puntland, hirgalinta Nidaamka dimuqraadiyaynta Puntland, In Hogaanka dhaqanka Puntland aysan ku dhexmilmin Siyaasadda, dardargalinta Nidaamka Dimuqraadiyadda, In Puntland jiritaankeedu yahay Muqadas iyo qodobo kale.

Goddomiyaha daladda aan dowliga ahayn ee PUNSA Nuur shire Cisman ayaa akhriyay qodobadasi, waxaana uu sheegey inay jiri doonaan shirar kale oo ka dhici dona magalada Garowe iyo Qardho kuwaasi oo qeyb ka ah shirka wadatashiga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM