Qodobo laga soo saarey shir dhexmaray Dawladda Puntland iyo Bahda Tacliinta Sare

Image
Shirka waxaa Guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta, Shir Looga Arrinsanayo Tacliinta Sare Ee Puntland isugu yimid Dawladda Puntland iyo Bahda Tacliinta Sare.

Shirka oo uu Guddoomiyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, Waxaa soo Agaasintey Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare.

Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Waxaa dhinacyada Shirku isku raaceen:

1. In Dawladdu Dardargeliso Kaalinta Kaga Aaddan Horumarinta Arrimaha Tacliinta Sare.

2. In Dawladdu La Garab Istaagto Tacliinta Sare Qoondo Dhaqaale Iyo Taageero Farsamo.

3. In Laga Shaqeeyo Xoojinta Wada-Shaqaynta Bahda Tacliinta Sare Lana Mideeyo Iskaashigooda.

4. Inay Hirgeliso Wasaaradda Waxbarashadu Barnaamijka Maaraynta Xogta Tacliinta Sare ( HEMIS), Wasaaradduna ay tahay cidda maamuleysa xogta Jaamacadaha Puntland.

5. ⁠In la dedejiyo dib-u-eegista iyo waxkabeddelka lagu sameynayo siyaasadaha iyo shuruucda la xiriira tacliinta sare iyo meel marintooda si loo hirgeliyo dhismaha Guddiga Tacliinta Sare

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM