Qofkii gaystey qaraxii ka dhacey Garowe oo Somali noqdey

Image

GAROWE 22 April,2015 (GO)- Iyadoo maalmihii u dambeeyey laysla dhex marayey in qofkii fuliyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee magaalada Garowe lagula beegsadey gaari bus ah oo ay saarnaayeen shaqaalaha hay'adda UNICEF  uu u dhashay dalalka dariska la ah Somalia ayaa waxaa soo baxey warar kuwaas ka duwan.

Sarkaal ka tirsan booliska oo diidey in magaciisa la baahiyo ayaa Garowe Online u sheegey in ninka qaraxa fuliyey la helay madaxiisa islamarkaana baaritaan kaddib la ogaadey inuu yahay Soomaali.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale Garowe Online u sheegay in ninka is qarixiyey muddo kooban ku sugnaa magaalada Garowe deegaan ahaanna aanu kasoo jeedin Puntland.

Hay'adaha ammaanka Puntland ayaan weli soo bandhigin warbixin ku saabsan sida qaraxaasi u dhacay, dadkii ka dambeeyey iyo talaabooyinka ay ilaa iyo hadda qaadeen.

Ciidamada amniga ayaa dhinaca kale howlgallo ay sameeyeen kusoo qabtey dad fara badan kuwasoo la sheegey iney baaritaano ku socdaan.

Golaha Wasiirrada Puntland oo kulan aan caadi aheyn shalay isugu yimid ayaa sheegey in dadweynaha iyo hay'adaha caalamiga ah ee ku sugan degaanada Puntland u xaqiijinayaan in amnigu sugan yahay. Halka kahriso warsaxafeedka

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM