​Qoysas reer guuraa ah oo shil gaari ku galay nawaaxiga Dangoroyo [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Qoysas reer guuraa ah oo u hayaansanaa gobolka Bari oo roobab ka da'een todobaadkii hore, ayaa shil saaka ku galay deegaanka Ceel-buh oo qiyaastii 50KM dhinaca Bariga ka xigta degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Xoghayaha degmadaas Cabdulqaadir Abshir Muuse Sanco oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in shilkaas ku dhaacmeen 12 ruux islamarkaana ay ku baaba'een xoolo tiro badan.

Sanco, ayaa sheegay in shilku yimid xilli baabuurku uu ku socday xawaare sare.

Wuxuu sheegay in dadkii dhawaca ahaa oo isugu jira haween, carruur iyo dad waayeel ah dhaawacooda loo soo gudbiyay magaalada Garowe, halkaasoo xaaladooda lagu dabiibayo.

Xoghayaha, ayaa sidoo kale xusay in wixii shilkaas ka bad-baaday ay saareen gawaari kale si ay usii wadaan socdaalkooda islamarkaana u tagaan goobihii ay hayaanka u ahaayeen.

Mas'uulkan, ayaa tilmaamay in gaarigan ay saarnaayeen ilaa dhow qoys oo ka barakacay abaaraha ka jira degmadaas isagoo sheegay in muddooyinkii dambe ay arkayeen reer guuraa hayaan u ah gobolka Bari oo roobab lagu sheeegay.

Shilkan, ayaa yimid xilli abaaraha ka jira gobolka Nugaal halis galiyeen nolosha dadka halka xoolihii ay dhammaad ku dhowyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM