Qoyska Deni oo lagu eedeeyay "ku danaysiga hantida umadda"

Image
Dhaqaalihii madaxweynaha Puntland uga baxay doorashadii federaalka ayaa lagu baaqay "in la is waydiiyo halkuu ka keenay".

GAROWE, Puntland - Madasha siyaasadda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa daaha ka rogtay in qoyska madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni "ay ku danaysanayaan dowladnimada iyo hantida qaranka".

Mashaariicda horumarineed ee lala galay heshiisyada wadaagta ah shirkadaha shisheeye ayay ku baaqeen "in lasoo bandhigo isla markaana wax la iska waydiiyo".

Golaha wakiilada ee Puntland ayay madashu ugu baaqday "in la horgeeyo heshiisyada isla markaana ay ku qaadaana madaxweynaha sharciga uu jabiyay".

Waxa looga badalanayo shirkadaha maal-gelinta ayay madashu is waydiiyeen iyaga oo tilmamaay in dano shakhsi ah iyo kuwo siyaasadeed uu u isticmaalayo madaxweyne Deni oo ku jira sanadkii u danbeeyay ee mudada xil-hayntiisa.

Dhaqaalihii madaxweyne Deni uga baxay doorashadii federaalka ayay ku baaqeen "in la is waydiiyo halka uu ka yimid iyaga oo walaac ka muujiyay qoys madaxweynaha ee horboodaya mashaariicda".

Deni ayaa mudooyinkaan danbe lagu eedeeyaa in qoyskiisu ay "si dhaw uga dhex muuqdaan maamulka mashaariicda Puntland iyada oo Cabdirabi cabdulaahi Nuur oo ay ilmo adeer yihiin uu agaasimaha ciidamada badda yahay".

Xasan Cabdulaahi Deni oo ay madaxweynaha walaalo yihiin iyo wiilkiisa Cabdulaahi Siciid ayaa lagu tilmaamay "mulkiilayaasha mashaariicda horumarineed ee Puntland ka socda halka maareeyaha dekeda uu yahay seediga madaxweynaha, Maxamed Yuusuf Madoobe iyada oo labo kale oo seediyaashii ah yihiin la taliyayaasha Deni".

Dhawaan Deni ayaa xilkii ka eryay agaasimihii Guud ee wasaarada caafimaadka Puntland, Cabdirisaaq Xirsi Xasan isaga oo u magacaabay xilkaasi wiilka uu adeerka u yahay Maxamed Xidig oo dhawaan uun kasoo qalin jabiyay jaamaacadda.

Qaadka gudaha Puntland yimaada ayaa ganacsatadu marar kala duwan waxay ka cawdeen in la saaray lacago dheeri ah oo ay qaado shirkad ay leeyihiin qoyska madaxweynuhu. Eedahaas wali kama jawaabin Madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM