RW Somalia oo dhambaal tacsi ah u direy Madaxweynaha DFS

Image

Muqdisho, August 25, 2015 (GO)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Somalia Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dhambaal tacsi ah u direy Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo walaalkiis Marxuum Cismaan Cilmi Cadaawe ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mudane Cumar Cabdirashid ayaa waxaa uu Eebe uga baryay marxuumka in uu Jannadiisa Fardowso ka waraabiyo ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kan Shacabka Soomaaliyeed , waxaan halkan Tacsi ugu dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoyskiisa, Qaraabada iyo Qaranka Soomaaliya guud ahaan, geeridii ku timid Madaxweynaha Walaalkii Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Cilmi Cadaawe oo ku geeriyooday magaalada Nairobi. Waxaan Illaahay Marxuumka u baryaynaa naxariistiisa Janno, sidoo kalena Waxaan Qoyska Madaxweynaha, Qoyska Marxuumka iyo Guud ahan ba Qaranka Soomaaliyeed u rajaynayaa in Eebe Samir iyo Iimaan inaga Siiyo Marxuumkaasi”Ayuu yir Cumar C/rashiid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM