Ra'iisul Wasaaraha DF oo beri kusoo wajahan Garowe

Image

October 9, 2014 (GO)- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa la filayaa in isaga iyo wafdi uu horkacayaa maalinta berri ah (Jimce) soo gaaraan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga Ra'iisul Wasaaraha waxaa loo saaray guddi heer wasiir ah kuwaasoo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas arrintaas si gaar ah ugu xil saaray.

Muddo dhowr maalmood ah ayaa lagu wadaa in Ra'iisul Wasaare Cabdiweli iyo wafdigiisu Garowe ku sugnaadaan, iyagoo inta ay halkaas joogaan la kulmi doona madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedada ugu weyn ee socdaalkani waa sidii laysugu soo dhoweyn lahaa labada dhinac [Dowlada Federaalka iyo Puntland] loogana jawaabi lahaa tabashada Puntland gaar ahaan arrinta xiisada weyn abuurtay ee ah dhismaha maamulka la qorshaynayo in loo sameeyo gobolada dhexe gaar ahaan Mudug iyo Galguduud.

Dhanka kale waxaa caawa si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Garowe waxaana wadooyinka muhiimka ah ee caasimada lagu arkayaa ciidamada booliska oo si weyn u sugaya ammaanka.

Booqashada la filayo in Cabdiweli Sheekh Axmed kusoo gaaro Garowe waa tii ugu horreysey ee uu Puntland ku yimaado laga soo bilaabo markii xafiiska loo dhaariyey bishii December ee sanadkii hore 2013, waxayna kusoo aadeysaa xilli uusan wanaagsanayn xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka ee fadhigeedu Muqdisho yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM