Ra'isal Wasaare Sharma'arke oo Garowe kusoo wajahan

Image

April 7, 2015 (GO)- Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke todobadkan kusoo wajahan yahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Ra'isal Wasaaraha waxaa soo raaci doona qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada kasoo jeeda Puntland. Diyaar garow xooggan oo ku aaddan soo dhoweynta wafdigaas ayaa Garowe ka socda.

Cumar Cabdirashiid muddada uu Garowe ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa madaxda Puntland, isimadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysey ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ku yimaado Puntland laga soo bilaabo markii xilka ra'isal wasaaraha loo soo magacaabey Dec 17, 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM