Radio Galkacayo oo caawa bam gacmeed lagu tuuray

Image

December 31, 2014 (GO)- Waxaa caawa bam gacmeed lagu tuuray xarunta Idaacada Radio Galkacayo ee magaalada Gaalkacayo.

Bamka oo laga soo tuuray dhabarka dambe ee dhismaha waxaa ku dhaawacmay labo kamid ah wariyeyaashii Idaacadaas ka hawlgelayey.

Labada wariye ee dhaawacmay waxaa lagu kala magacaabaa Shiine Cabdi Axmed iyo Cabdulaahi Maxamuud Aadan.

Dhaawaca labada wariye soo gaarey waxaa lagu soo waramayaa inuu sahlan yahay sida uu GO u xaqiijiyey wariye ka tirsan Radio Gaalkacayo.

Wariyaha oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo wuxuu sheegay in marar badan horay loogu soo hanjabay maamulka iyo shaqaalaha Idaacada.

Ma ahan markii ugu horeysey ee la qarxiyo Radio Galkacayo waxaa sidoo kale weerar caynkan oo kale ahaa lala beegsaday xarunta Radio Daljir ee Gaalkacayo.

Bishii November ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacayo lagu diley wariye Cabdirisaaq Cali Cabdi Silver oo ka tirsanaa Radio Daljir iyo telefishinka Horn Cable.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM